Madaxweyne Xaaf oo haya wadadii C/kariin Guuleed.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shacabka reer Galmudug ee wada dega Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxa ay a haayeen dad dhaxlay inta badan dhibkii iyo burburkii soomaaliya goboladaas waxa xalkooda cirka ku sii shareerayay dagaalo so keeye oo dhiigbadan ku daadanayo ila waqti xaadirkaan in ka badan10 beelood oo halkaas wada dega hadana walaalo ah ayaa midba midka kale ku duulaay ayagoo an helin wax cadaalad iyo iyo dibu heshiisiin ah 27sano ee burburka soomaaliya waxaa maamul iyo maxkamadba ka ayaa odayaasha beelaha dhalinyarada rer guuraga ah ayaa cadaalada saxda u arka dilka walaalkoda ku degaanka mana jirin wax kale oo horma.

In kasta oo saamaysteen maamul beeleedyo kuwaas oo ay ayagu ku kala bad baadaan sida #Ximan #xeebtii hore oo xaruntoodu ahayd Cadaado #Ahlusunna #walajamaaca oo Dusamareeb fadhigeedu yahay iyo Galmudugtii hore oo Galkacyo xarunteedu ahayd in kasta oo uu san jirin xiligoodii hormar wayn iyo dano guud hadana maamul walba waxuu sugi jiray amniga iyo kala danbaynta labada magaalo oo uu gacanta ku hayay waxaana ku kala badbaadi jiray qoysaskii dhistay.

Inkasto oo ay haysteen biririftaas yar ee qaabka maamul lahayd dadka degaanadaas kuma qanacsanayn kala qoqobnaanta dhexdooda ah waxay mar ku taamayeen helitaanka maamul ay u dhanyihiin oo qaybna ka noqda hanaanka Federalka ee Soomaaliya laga hirgalinayo.

Bulshada Mudug iyo Galgaduud aya hal Maamul iyo Hal Madaxwayne heeshay 4/7/2015 kadib doorasho dimuquraadi ah oo lagu qabtay xaruntii Ximan&Xeeb ee Cadaado waxaana kursiga madaxtinimada ku guulaystay C/kariin Xuseen Guuled guusha Guuleed kadib Shacabka Galmudug waxay ku taamayeen wax kaqabashada bahiyahooda dowladeed oo aysan arag tan burburkii dowladdii dhexe ayadoo wax yaabaha sida deg deg ah in looqabto ay kamid ahaayeen dibu hishiisiinta beelaha walaalaha ee codaaldu kala dishay oo markii horaba ay haboonayd in laga hormarsho dhismaha maamulka.
Hub kadhigista maleeshiyaad beelaha xareeyntooda iyo isku dhafkooda si ay uga soobaxaan ciidamo nidaamsan awoodna u yeesha nabad ku soo dabaalidda deegaanadooda lana bixiyo mushaaraad kooda xal u helitaanka diidmadii Ahlusunna ee Galmudug si maamulku ugu guuro xaruntiisa rasmiga ah Dusamareeb. kashaqay siinta ilo dhaqaale oo maamulku yeesho sida groomo iyo dayactirka iyo dibu dhiska dekadda Hobyo iyo soo xero galinta degaanada Al-Shabaab haystaan ee Galmudug.

Madaxwaynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa iska casilay xilkaasi ayadoo ay yar tahay wax u qabsoomay 26/2/2017 waxaana jiray khililaaf barlamaanka iyo madaxtooyada ah iyo wasiiro badan oo xilka iskaga tagay kadib jahwareer maamul iskaba daa hormar iyo xasilooni deegaan oo la taban karee waxa uu booska baneeyay xili ay taagan yihiin dhamaan qodobadii horyaalay waqtigii la dortay iyo caqabado horleh sida isbaaxroyin xad dhaaf ah oo lagu dhibaateeyo Bulshada rayadka ah iyo gaadidka iskaga gudbaya Muqdisho iyo dhulka Galmudug.

Madaxwaynaha xiligaan ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf
waxaa kursiga ku fariistay 3/5/2017 waxaana horyaala culaysyo waa wayn oo lamida kuwii la kulmay Guuleedkii talada uga horeeyay iyo kuwo dheeri ah sida isbaaxroyin daadsan wadada laamiga garahaan inta u dhaxaysa Mareergur iyo Galkacyo oo ah dhulka laamigu maro ee waqti xaadirkaan Galmudug maamusho.
Madaxwayne Xaaf ayaa caleema-saarkiisii ka hor barlamaanka ka codsaday mudo 75 cisho ah si uu soo magacaabo Golo wasiiro oo cusub asagoo ku andacoonaya in uu dhamayn doono Khililaaf Ahlusunna kala dhaxeeya intaas waxii ka danbeeyay waxa uu safaro dhulka ah ku aaday magaalooyinka Cabud-waaq iyo Galkacyo mana jirto najiido iyo u jeedooyin rasmi ah oo lataaban karo oo safaradaas laga dhaxlay marka laga reebo in uu ka dhawaajiyay u kuur galida xaladaha amni ee magaalooyinkaas su’aasha is waydiinta mudan ayaase ah waa maxay amniga ka jira dhul lagu dhibaateynayo dad an waxba galabsan oo ay yaalaan jidgooyooyin sharci daro ah kuwaas oo qaar kood Xaaf in dhihiisa ku arkay.

Si kastaba ha ahaatee mamuuqdaan go aano qorshayaal iyo didaalo dheeri ah oo ka badalan kumii hogaankii hore si aysan bulshada Galmudug uga qasaarin waqtiga labada sanada ah ee M/Xaaf Dastuurku u ogol yahay
Hadii Xaalka Xaaf sidaan ku socdo najiidada ayaa ah 4sano oo ka qasaaartay Galmudug. Waxa uuna booska banayn doonaa ayadoo aysan jiri doonin hormar iyo wax qabad ay ka dhaxlaaan madaxda gadaashiis imaan doonta si lamida waqtiguu kursiga helay.

W/Q: Cali yare C/wahaab Adam