Sh. Shariif oo ka hadlay khilaafka Rooble iyo Farmaajo

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo goordhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay Kiiskii dilka Ikraan Tahliil iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo nasiib darro ku tilmaamay khilaafka Madaxda, kaasoo uu sheegay inuu caqabad ku keeni karo habsami u socodka doorashada.

Shariif oo hadalkiisa ahaa mid aad u degan oo ka duwanaa hadaladiisa hore ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Ikraan, isagoo xusay in dilkaasi ahaa mid aad u fool xun oo aan la aqbali karon, ayna tahay mas’uuliyad darro aad u weyn, waxaana uu ku baaqay inay caddaalad hesho oo cidii mas’uulka ka aheyd la horkeenaa cadaaladda.

“Waxaa rabaa inaa uga tacsiyadeeyo ehelkeeda iyo qaraabadeeda, ma astaahilin in la dilo gabar Soomaaliyeed wax baratay u soo banbaxay Qarankeeda iyo dadkeeda inay u shaqeyso waajib ayay aheyd in la ilaaliyo nafteeda iyo sharafkeeda inay ka mudato hey’addii ay u shaqeyneysay ama cid xiriir la leh ama si kasta inay nafteeda weyso waa wax aad iyo aad looga xumaado waaye waana arrin runtii aan la aqbali karin aad iyo aad u foolxun muujineysa mas’uuliyad darro aad u weyn marka waxaa leenahay gabadhaas waa in ay cadaalad heshaa, waa in cida mas’uulka ka aheyd la horkeenaa cadaaladda, qofka hey’addaha amniga u shaqeeya hadduusan nabad helin qof kalena nabad ma helaayo” ayuu yiri.

Waa nasiib darro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna aad u niyad jebinayaa dadka Soomaaliyeed, oo rajada ka qaba in dowladnimada horay u sii socoto iyo dadka taageera Soomaaliya 30-kii sano oo filaayay inay cagahooda ku istaagaan dowladnimadu baahdo, khilaafkan wuxuu caqabad ku yahay qabsoomida doorashooyinka oo mar kasta ay sii daahaan ay soo bixi karaan dhibaatooyin cusub oo keeni kara doorashooyinka in aanay u qabsoomin sidii loogu tala galay. Waxaa leeyahay Madaxda Qaranka, mas’uuliyad weyn idin saaran, haku gabagabeynina dagaal iyo khilaaf ee ku gabagabeeya in aad gacanta is qabsatiin khilaafkiina xalisatiin doorashada sida loogu tala galay ay u socoto dhinaceena waxaa diyaar u nahay wax kasta oo keeni kara is faham iyo isu tanaasul, in hey’adaha amniga ay wada shaqeeyaan so doorashooyinka ay u qabsoomaan.