Wafdi ka socda UN-ka oo gaaray Baydhabo

Wararka Maanta

Saraakiil ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha  Maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (laftagareen), kulan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka ah ee maamulkaasi.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa  ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa,iyo masuuliyiin kale oo  ka tirsan Maamulkaas.

Vikram Parekh oo hore u ahaa Madaxii UNSOM ee magaalada Baydhabo haddana u dhamaatay waqtigiisii ayaa u mahaceliyay maamulka Koofurgalbeed mudadii uu joogay sida ay ula shaqeeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Koofurgalbeed ayaa Vikram ugu mahadcelinayay qaabkii wanaagsaneed uu ugu shaqeeyey Xafiiska mudaddii uu joogay.

Madaxweyne laftagareen gacmo furan kusoo dhoweeyay madaxa cusub ee xafiiska UNSOM ee magaalada Baydhabo Aroud Laloum, isagoo sheegay in uu la shaqeyn doono.

Madaxweynaha cusub ee Koofurgalbeed ee dhowaan la doortay ayaa howl maalmeedkiisa caadiga wata isagoo kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bay iyo guud ahaan Koofurgalbee hase yeeshee illaa iyo hadda lama sheegin xilliga ay dhici doonto munaasabada caleema saarka madaxweyne Laftagareen.