Howlgallo culus oo maanta ka socda Degmada Afgooye

Wararka Maanta

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo baaritaan waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada  ayaa baadigoobaya dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa Qarax khasaare geystay ku qaaday degmada Afgooye, gaar ahaan xarun Dowladda Imaaraadka ay ciidamo ku tababarto. Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaam Al-Shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.

Dhanka kale Khuburada ka faalooda ammaank ayaa sheegaya in xiisadaha maalmahaan ka soo cusboonaaday gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ay ka dambeysay dib markii inta badan ciidanka Qeybta 12 April isaga baxeen deegaanadaas, waana tan keentay in Ammaanka Gobolka Banaadir uu faraha ka baxo, waxaana sidoo kale saaka xiran qaar ka  mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.