Wafdi ka socda Finland oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho wafdi Finland ah oo uu hoggaaminayay Mudane Pekka Haavisto, oo ah xubin Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Finland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen wafdi ka kooban afar xubnood oo ay ku jireen diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday Machadka Nabadda ee Yurub ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland u dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gobolka iyo dunida inteeda kale.

Booqashada wafdigan ayaa ku soo aadaysa xilli uu madmadow soo kala dhexgalay Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya.