Wafdi heersare oo maanta tagaya degmada Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sidoo ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah maanta ayaa  la filayaa in ay gaaraan degmada Hobyo wafdi heersare ah oo isugu jira Soomaali iyo Anjabi, wafdigaan ayaa waxaa  hogaaminayo wasiirka Kaluumeysiga dowlad goboleedka Galmudug Xasan Gurey, Wafdigan oo ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay u maalgashan lahaayeen deegaanka.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka socda diyaargarowga soo dhaweynta Wafigan, waxaana ay u badan yihiin maalgayadayaal, waxaana ka mid ah wafdigan  :

  1. Wasiirka Kalmuumeysiga Galmudug
  2. Gudoomiyaha Degmada Hobyo
  3. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya
  4. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug
  5. Shirkadda Kaluumeysiga Sahan Sea Food
  6. Shirkadda Korontada Beco
  7. Shirkadda Fiber Optic Internetka
  8. iyo shirkado kale.

Ganacsatadaan ayaa doonaya inay maalgashtaan magaalo xeebeedka Hobyo, oo ah magaalo istaraatiiji ah, waxaana la filayaa in sidoo kale 15 bisha September ay Hobyo tagaan injineero ka socda Shirka Shiineys oo la filayo inay dhisto dekadda Hobyo sida uu dhawaan sheegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.