RW Abiy Axmed oo Soo gaaray Muqdisho

Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, Waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa Booqashadii ugu horeysay ee Mr. Abiy ku yimaado Soomaaliya tan iyo doorashadiisii, Waana Booqasha Rasmi ah oo hal maalin ah. Abiy ayaa safar ku kala bixiyey wadamada deriska la ah itoobiya, isagoo isku dayaya inuu la yimaado siyaasad furfuran oo ku dhisan nabad kuwada noolaansho.

Ra’iisul Wasaarihii hore geeriyooday ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa bishii June ee sanadkii 2007-dii booqasho ku yimid Muqdisho, xilligii Ciidamadii Itoobiya ay ku sugnaayeen Muqdisho, kaddib markii ay xukunka ka tuureen Maxkamadihii islaamka, wuxuu ahaa Mas’uulkii u horeeyay oo Itoobiyaan soo booqda Soomaaliya, tan iyo dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii April, waxaa uu booqasho ku tagay dalalka deriska la ah Itoobiya sida Jabuuti, Sudan, Kenya, Uganda. Booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho ayaa noqon doontaa lugtiisii u dambeysay safarkiisa dalalka deriska