Faa faahin Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa Xalay Xaafadda Buurdheere ee Degmada Waaberi ka dhacay dil ay aad uga argagaxeen dadka xaafadaasi, kadib markii wiil 12-sano jir ah oo xaafadaasi kunoolaa uu isku dilay biskoolad la sheegay in uu aabihiis lahaa.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in wiilkan is dilay oo lagu magacaabayay Cadnaan Cabdi Cali uu biskoolada si qarsoodi ah uga qaatay aabihiis, waxaana wiilkan xabad ku fakatay xili uu ku fara ciyaarayay biskoolada.

Wiilka yar ee isku dilay biskoolada ayaa la sheegay in uu aabihiis kamid ahaa ciidanka dowlada Soomaaliya, waxaana biskoolada uu wiilkan uu ka qaatay meel uu aabihiis dhigtay sidaana sabab ugu noqotay in ay xabada ku isku fakiyo kuna geeriyoodo.

Caruurta iyo dadka aan hubka waxba ka aqoon ayaa mararka qaarkood waxyeelo kasoo gaartaa marka meel aan habooneyn looga tago hubka, mana ahan markii ugu horeesay dilkan oo kale uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Cali Yare- Ceelhuur Online – Muqdisho.

FG: Xaquuqda dhowr