Golaha Guud ee QM diiday Go’aankii Trump ee Qudus

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa si buuxda uga soo horjeestay hanjabaada aan horay loo arag ee Maraykanka iyaga oo u codeeyay qaraar ka dhan ah go’aanka madaxweyne Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israel .

Qaraarka ayaa lagu ansixiyay Shirwaynaha Guud ee Golaha Khamiistii iyada oo ay u codeeyeen 128 dal waxaana kasoo horjeestay sagaal dal, halka 35 dal ay ka aamuseen.

Wakiilada golaha ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraarka inkasta oo maamulka Trump ay isku dayeen inay cabsi galiyaan wadamada iyaga oo ugu caga jugleeyay in ay kaalmada dhaqaale ka jarayaan dalalka xubnaha ka ah golaha ee codkooda uga soo horjeesta go’aankiisa, halka Safiirka Maraykanka u fadhiya QM, Nikki Haley, ay ka digtay in ay qaadi doonto magacyada dalalkaas.

Muddo yar ka dib codeynta, hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ayaa ugu yeeray codka guusha ree Falastiin waxayna u mahadcelisay wadamada xubnaha ka ah UN-ta ee diiday in ay taageeraan go’aanka “Trump” inkastoo oo cadaadis badan lagu soo rogay”.

Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas, ayaa ku yiri bayaan in go’aanka golaha uu mar kale cadeeynayo in Falastiiniyiinta haystaan taageerada beesha caalamka, mana jirto go’aan kasta oo wax ka bedeli karta xaqiiqda, in Qudus ay tahay dhul xoog lagu haysto ee sharciga caalamiga ah.