Madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo fara geliyay is qab qabsi iyo muran ka dhashay doorashada Aqalka Hoose, kaasoo u dhaxeeyay beelaha qaar oo isku hayay ergada wax dooraneysa.
Khilaafka dhanka ergooyinka beelaha ayaa sabab u noqday inuu baaqdo doorashadii kuraasta Aqalka Hoose ee shalay ka dhici laheyd magaalada Jowhar.
Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa muranka iyo khilaafka ka dhashay ergooyinka darteed waxay dib u dhigeen doorashadii shalay dhici laheyd.
Waxaa Magaalada barakeysan ee Makkah Al Mukarama maanta lagu qabtey shir deg-deg ah oo ay qabanqaabisey Ururka Isbaheysiga Islaamka.
Shirka waxaa lagaga hadley gantaalkii Xuutiyiinta Yemen ay ku soo tuureen magaalada barakeysan ee Makkah Almukarama. Arintaasi oo ay si weyn ugu caroodeen Muslimiinta ku nool adduunweynaha.
Wafdi oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa shirkaasi ka qeyb galey.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geele iyo Mudane Saalim Macow Xaaji oo ah ku-xigeenka safiirka.
Wasiir Hadliye ayaa shirka ka jeediyey khudbad oo uu si weyn ugu cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen gantaalkii ay ku tuureen magaalada barakeysan ee Makkah, wuxuuna hoosta ka xariiqey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin iney daafacaan Kacbada barakeysan.
Dhamaan madaxdii ka qey gashey ayaa waxay si wadajir ah u cambaareeyeen Xuutiyiinta.
Shirka waxaa lagu doortey mudane Yusuf Axmed Cuteymiin inuu noqdo Xoghaya Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe ayaa tan iyo xalay ku howlanaa xalinta muranka ka dhashay diiwaan gelinta ergooyinka iyo qeybsiga beelaha.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxda Hirshabeelle ayaa sheegaya inay ku guuleysteen in la dhameeyo khilaafka iyo murankii taagnaa, iyagoo kala kulmay Musharaxiin isku hayay Ergooyinka.
Ergooyinka uu muranka ka dhashay ayaa waxaa ka mid ahaa Ergooyinka dooranaya kuraasta Beelaha Warsangeli Abgaal iyo Kabaale Wacbuudhan, kaasoo markii dambe la xaliyay.
Duhurnimada maanta ayaa lagu wadaa in dib loo ambaqaado doorashada Aqalka Hoose, iyadoo salaada jimcaha kaddib lagu tartami doono kuraasta illaa shan beelood.
Arbacadii la soo dhaafay ayay aheyd markii la qabtay wajiga koowaad ee doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeelle, waxaana ku soo baxay illaa sideed xubnood oo ahaa siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay.
Comments are closed.