Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Ganacsiga labada dal.
Kulankan ayaa markii uu soo gaba gaboobay ayaa waxay Labada Madaxweyne qabteen shir jaraa’id, waxaana isku afgareen in la qaado xayiraadii KMG aheyd ee la saaray Qaadka laga keeno Kenya, sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in muddo saddex bilood ay dowladda Kenya ku joojiso rakaabka diyaaradaha lagu baaro Garoonka Wajeer oo ay dhib badan kula kulmaan dadka u safraya Kenya, ka hor inta aanay ka degin garoonka diyaaradaha.
Tallaabada dowladda Soomaaliya ku qaaday xayiraadii saarneyd Qaadka Kenya laga keeni jiray ayaa dhaqan geli doonta maalinta berri oo Arbaco ah.
Comments are closed.