Mashruuca Dhismaha Wadada Galkacyo-Hobyo oo meel wanaagsan Maraya (Sawirro+Video)

Arimaha Bulshada Hormarka Dalka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Mashruuca dhismaha wadada Galkacyo – Hobyo ayaa si habsami ah u socda, waxaana dhawaan booqday dhawaan wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug, Guddiga Horumarinta iyo Baraarujinta Bulshada ee GOB oo mashruucan gacanta ku haya ayaa waxqabad fiican ka sameeyey ilaa hadda, waxaana la dhameystiray inta u dhaxeysa Magaalooyinka Wisil iyo Gawaan, waana inta ugu dhibka badan wadada.

Gudigga GOB ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashruuca dhismaha wadadan oo ah howl muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, hadaba daawo Video iyo Sawirada uu ka soo qaaday wariye Maxamuud Cabdi Diirshe oo dhawaan booqday halka mashruucu ka socdo.

dsc00346 dsc00348 dsc00349 dsc00351 dsc00352 dsc00353 dsc00355 dsc00360 dsc00362 dsc00363 dsc00369 dsc00372

Comments are closed.