Waare oo la heshiiyey Dowladda Federaalka

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Federaalka ka heshiiyeen khilaafka u dhaxeeyay, waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka in wada hadal la furto maamul goboleedyada.

Madaxweyne Waare oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa cadaadis kala kulmay madaxda kale ee Hirshabeelle, iyo xildhibaanada Federaalka.

Waare ayaa qaatay go’aan uu ku badbaadinayo kursigiisa, isagoo tusaale usoo qaatay khilaafka ka dhex aloosan Madaxda Galmudug.

Halkaan ka aqriso warsaxaafadeed kasoo baxay hirshabeelle.