Wariye lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka Maanta

Wariye C/risaaq Siciid Cismaan ayaa la sheegay in xalay xilli dhexe uu ka baxay xaruntiisa shaqada, waxaana wadada u galay kooxo tuugo ah oo ka qaatay Computer Laptop iyo Camera uu watay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in C/risaaq iyo Kooxdii burcada aheyd uu dhex maray dagaal, waxaana markii dambe mid ka mid ah raggii soo weeraray uu dhowr meel ka geliyay Middi ama Toorey uu watay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ku soo badanayay kooxo toorey wata oo dadka ku dhaca alaabaha ay wataan, sida Mobile-lada iyo wax alla wixii ay wataan.

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa ka hadlay arintaan:

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP waxa uu tacsi tiiraanyo leh ka dirayaa dilka Marxuum Saxafi Cabdirisaaq Saacid Cismaan (Wadani) oo saaka waaberkii ku geeriyooday cisbitalka magaalada Galkacayo.

Wadani oo 30 jir ahaa kana hawlgalayay idaacadda Codka Nabadda ayaa sida saraakiisha cisbitalku noo sheegeen waxa uu u dhintay dhiig-bax gudaha ah (Internal Bleeding) kadib dhaawac ka soo gaarey Toorey looga dhuftay garabka bidix iyo wadnaha.

Taliyaha Saldhiga Galkacayo Gaashaanle Axmed Maxamed Afrax ayaaMAP u sheegay inay soo qabteen afar ruux oo lala xiriinayo dilka Marxuumka uuna baaritaan ku socdo.

Ururka Warbaahinta Puntland waxa uu ka dalbanayaa dowladda Puntland iyo laamaha ay khuseyso inay masuuliyad iska saaraan baaritaanka iyo dabagalka dilka marxuumka isamarkaasina cadaaladda la horkeeno sida ugu dhakhso badan dambilayaasha.

Allah u naxariisto Marxuum Cabdirisaaq Wadani oo Janatul Fardwsa hooy uga dhigo, waxana Alle uga baryeynaa inuu samir iyo dulqaad ku irsaaqo eheladii iyo saxaafadda Puntland ee uu ka baxay.