Waa kuma Wasiirka ugu da’da yar adunida?

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

.Shamma Bint Suhail Faris Al Mazrui waxay dhalatay 1994-ti waa siyaasiyad caan ah, waana Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada ee Imaaraadka Carabta. Waxaa xilkaa loo magacaabay Bishii Febraayo 2016, ayada oo markaa noqotay wasiirka ugu da’da yar dunnida.

Shamma wuxay ku dhalatay kuna kortay Abu Dhabi, Waxay haysataa Jaamacadda Heerka-koobaad(Bachelor) Dhaqaalaha(Economic) ah ee Jaamacadda New York University Abu Dhabi. Waxay ka qalinjabisay Heerka-labaad(Master) Siyaasadda Dadweynaha(Public Policy) ee Jaamacadda Oxford sanadka 2015.

Shamma waxaa magacaabay Raisul Wasaare Maxamed Rashiid Al Maktoum oo u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dhalinyarada ee Imaaraadka Carabta (Febraayo 2016) ayadoo 22 jir ah, waxayna sidaa ku noqotay wasiirada ugu da’da yar ee dhamaan dowladdaha adduunka.

Waxaa la magacaabay ka dib markii Ra’isul Wasaare Maxamed Rashiid Al Maktoum ay aaladda Twitter-ka kaga codsadeen Jaamacada UAE in uu u magacaabo qof dhalinyaro ah doorkaa(xilkaa), si loo helo is fahan dhalinyaro. Waxay ka mid tahay siddeed haween ah oo ka mid ah 26-da xubnood ee Golaha wasiiradda ee Xukuumadda Dawladda UAE.

Shamma waxay ka soo shaqeeysay mid ka mid ah Maalgashiga Hanti-Dhowrka ee Abu Dhabi, waxay kaloo ahayd falanqeeye siyaasadeed oo ka socda xafiiska Imaatinka Imaaraadka ee Qaramada Midoobay. Waxay sidoo kale ka soo shaqaysay Safaaradda Imaaraadka ee Washington DC.

Shamma, waxay hogaamisaa Golaha Dhalinyarada Qaranka ee cusub, oo la iskugu keenay xirfadlayaal dhalinyaro ah oo ka soo jeeda dad kala duwan si ay u matalaan arrimaha dhalinyarada ee dawladda.

Shamma, mudada ay kursiga Wasiirnimo ku fadhisay waxay abuurtay barnaamij dhallinyarada u oggolaanaya in ay is diiwaan geliyaan si ay uga qayb qaataan shirarka wadatashiga si ay u sahmiyaan arrimaha muhiimka ah ee lagu gaarayo wadatashiga dhalinyarada.

Waxay ku guuleesatay abaalmarino dhawr ah, waxay heshay abaalmarinta Sheikh Mansour bin Zayed iyo abaalmarinta Coutts Future Leader 2015. Waxay kaloo ku guuleesatay Rhodes Scholarship oo ah abaalmarin caalami ah oo loogu talagalay ardayda inay wax ka bartaan Jaamacadda Oxford.Gabagabadi Shamma Bint Suhail Faris Al Mazrui, waa qof dhalinyaro ah waliba hadda jirta 23sano waana wasiirka illaa iyo hadda ugu da’da yar xukuumadaha aduunka.

Dhalinyaranimadu ma ahan afka sheegid iyo rajayn mustaqbal soo socda ee waa ka faa’idaysi rajada ku hortaala iyo adigoo ka rajo dhigin rajo walba ee suurta gal ah. Ogsoonow wax waliba waa suurta gal ee adiga ayay kaa rabaan la imaansho ficil aan fadhi ragaadin.

Ceelhuur.com

W/Q: Dalmar Dhiigga Soomaali