Urur ay ku mideysan yihiin 734 dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu magacaabo New SYL ayaa 920 Buug iyo cajalado CDs ugu deeqay Makatabadda Cadaado.
Gudoomiyaha iyo xoghaya guud ururkaas ayaa buugaagtaan soo gaarsiiyey Maktabadda Cadaado, iyagoo kasoo qaaday Magaalada Adisababa caasimadda Itoobiya oo fadhi u ah ururkaan.
Xoghaya Guud ururkaan Mubaarak Maxamed ayaa buugaagtaan gudoonsiiyey Axmed Cabdi Cismaan oo ah Agaasimaha Maktabadda Cadaado.
Dhalinyaradan ayaa sheegay in ay kadib furitaankii Maktabadda Guud ee Cadaado ay garwaaqsadeen in ay mudan tahay in ay ugu deeqaan buugaan wixii ay heli karaan, iyagoo bilaabay in aruuriyaan buugaag farabadan. Buugaagtan ayaa u badan buug cilmi oo aad u anfacaysa arday dhigata Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha deegaanka.