Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan xaalad siyaasadeed ka aloosan magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug. Xaaf iyo Madaxda Ahlu sunna ayaa halkaas shirar ku lahaa saacadihii lasoo dhaafay.
Goordhow waxaa halkaas gaaray Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka horyimid warqaddii wasaaradda Arimaha Gudaha, isagoo kulan la leh Axmed Ducaale Xaaf.
Sidoo kale wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaal XFS Eng Cabdi M. Sabriye ayaa saacadaha soo socda tagaya Dhuusamareeb.
Dowladda Federaalka ayaa isku dayeysa in ay heshiis la gaaraan Ahlu Sunna, si doorasho loo qabto, Haddii heshiiskaas dhaco ayaan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Axmed Ducaale Xaaf.
Dhinaca kale Galmudugta Cadaado ayaa ka dhursugeysa natiijada gulufka siyaasadeed ee ka socda Dhuusamareeb.
Dhanka kale wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo Cabdiqeybdiid ayaa tagaya Gaalkacyo, iyagoo u tagaya halkaas baaritaanka dadkii reer Koofur Galbeed ee todobaadkii hore lagu xasuuqay Gaalkacyo.