Sacuudiga:Cambaarayn kulul balse soo daahday

Wararka Maanta

Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee sabtidii la soo dhaafay lagu qaaday isgoyska Ex Control Afgooye.

Kulan ay yeesheen Golaha Wasiiradda boqortooda Sacuudiga kadib ayaa laga soo saaray qoraal lagu cambaareynayo weerarkii loo adeegsaday baabuur weyn oo waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow boqol ruux intaa kabadana ay ku dhaawacmeen.

“Waxaan ugu horeyn tacsi u direynaa eheladii dadkooda ay ku dhinteen weerarkan argagaxa lahaa.”ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sacuudiga wuxuu diidan yahay nooc walba oo fowdo, xagjirnimo iyo argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Weerarka ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ayaa waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab iyadoo afhayeenka Al-Shabaab uu sheegay in ay ku dileen saraakiil u dhashay dalka Turkiga iyo ilaaladoodii.