Tiiceey oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Galkacyo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore maamulkii Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo Xarunta gobolka Mudug. Wafdigan oo ka dagay garoonka diyaaradaha OSHACO koofurta Galkacyo ayaa waxaa si diiran halkaan ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, Saraakiil ciidan iyo qeybaha Bulshada.

Mr. Tiiceey ayaa ugu mahad celiyey Bulshada Galkacyo sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socda kulamo la qaato qeybaha Bulshada, sidoo kale waxaa caawa la qabanayaa xaflada balaaran oo lagu soo dhaweynaayo Masuulka. Sidoo Maxamed Tiiceey ayaa safar ku tagi doono magaalooyin badan oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug. Ujeedada safarkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay in u kuurgalo xaalada deegaanka oo uu muddo 4 sano ka badan ka maqnaa.