Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, Madaxweynaha Waxaan garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyey Madaxa Xukuumadda Galmuduga Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro, Xildhibaano, iyo qeybaha Bulshada.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo uga soo qabsoomay Magaalada Muqdisho oo uu maalmahan safar shaqo ugu maqnaa waxa uuna sheegay in uu la kulmay sayaasiin iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanada Galmudug si loo dhameeyo Khilaaf ka jira deegaanada qaar waxa uuna sheegay in lagu guuleystay wada hadaladaas

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan gurmad loola gaaro magaalada Baladweyne oo uu saameeyay fatahaada wabiga Shabeelle, waxa sheegay in ay dhawaan gargaar gaarsiin doonaan Shacabka Beledweyne.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiekh isaga oona ugu baaqay in uu isku keeno Baarlamaanka oo mudooyinkan qilaaf ka dhax taagnaa.

Dhanka kale Waxaa soo baxaya khilaaf u dhaxeeya Madaxda Sare Galmudug, iyadoo ay muuqato in laba garab oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi.