Aabaha Neymar Oo Kula Dooday Wiilkiisa Inuu Iska Sii Joogo Barcelona

Ciyaaraha

Xiddiga reer Brazil ayaa bilaabay inuu si cajiib ah ugu noolaado caasimada Faransiiska, lakiin waxa uu weli joogi lahaa Camp Nou haduu yeeli lahaa talada aabihiis

Neymar ayaa loo sheegay inuu iska diido inuu u dhaqaaqo Paris Saint-Germain isla markaana uu sii joogo Barcelona aabihiis, sidaasi waxaa yiri.

25-jirkaan ayaa xilli ciyaareedkan  ka soo muuqday suuqa kala iibsiga markii uu doortay inuu ka tago kooxda reer Spain islamarkaana uu aduun gaaraya € 222 million uga dhaqaaqay.

Neymar ayaa si wacan ku bilowday noloha caasimadda Faransiiska, isagoo dhaliyay lix gool, waxaana uu sameeyay shan kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee Ligue 1, isagoo labo gool dhaliyay islamarkaana caawiyay kulamadii Champions League.

Xiddiga reer Brazil ayaa sii wata awooda kooxda, laakiin wakiilkiisa iyo aabihiis ayaa qirtay inay ku booriyeen inuu iska ilaaliyo khamaarka markii PSG ay soo baxday.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar Sr. ayaa sheegay in ciyaaryahankii hore ee Santos uu indhaha ku hayo inuu koobab kula guuleysto kooxda, iyo abaalmarinta shaqsigaba.

W/Q Hafsa haji