Taliyaha Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray ciidamo (Sawirro)

Wararka Maanta

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya  ayaa xoojinaysa Dhismaha ciidammada Qalabka sida,si ay u dardargeliyaan gudashada waajibaadka horyaal ee ah difaaca dalka.

Ururka 89-aad SAADKA ee ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa magaalada Muqdisho loogu soo xiray tababara  aqoon kororsi ah ee ku aadan sida ugu wanaagsan oo ay u gudabin karaan waajibaadka horyaala ee ciidanimo,kaasi oo socday muddo lixbilood ah.

Jeneraal Maxamed Maxamuud Garabeey oo ah Madaxa Hoggaanka Saad ciidanka Xoogga dalka oo sharraxay tababarkaan nooca uu ahaa iyo waxa laga filayo ururka 89-aad ee ciidanka Xooga Dalka ayaa sheegay in tababarkaasi u wax weyn ka bedeli karo howlah ay ciidanku hayaan,isagoo u mahadceliyay wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka,sida ay isaga xilsaareen tayeynta ciidamada.

Ururrada hoostaga talisyada gaarka ah ayaa loo jeediyey in ay u tafa xeytaan sidii ay ciidammada u siin lahaayeen tababarro aqoonta iyo awoodda Askarta lagu dhisayo, taliska guud ee ciidammada xooggana uu kula xisaabtami doono.

Taliayha ciidanka Xoogga dalka S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) oo tababarkaasi soo xiray ayaa kula dardaarmay ciidankaasi tababarka qaatay in waxyaabihii ay barteen ugu adeegaan dadkooda iyo dalkooda,isagoona si gaar ah ugu ammaanay macallimmiintii Tababarka bixisay sida wanaagsan oo ay u dhabar adeegeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ku aadan tayaynta iyo dhismaha ciidanka Qaranka,kuwaasi oo loo diyaarinayo in ay AMISOM kala wareegaan guud ahaan ammaanka Dalka.

Isha: Sonna