Sawirro: Kursi horay loo laalay oo maanta Muqdisho lagu doortay

Wararka Maanta

Kursigaan Maanta ay Doorashadiisa ka dhacday Muqdisho ayaa ka mid ahaa 5 Kursi oo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka horay u diideen Natiijadiisa Doorasho, waana kursiga beesha Jidle.

Xarunta ay ka dhacday Doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Nuux oo guuleystay helayna 43 cod, Hinda C/laahi oo heshay 1 cod iyo Nasro Axmed Cali oo tanaasushay, waxaana kursigan lagu balansanaa in ay ku tartamaan ilaa 6 Musharax.

 

Shantii Xildhibaan ee Doorashadooda la amray in dib loogu noqdo, ayaa ilaa hada waxaa la doortay Afar Xildhibaan oo Doorashadooda ay ka kala dhacday Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Garowe.

C3z8OM9WYAASjS8 C3z8OMcWYAEjI3m C3z8OMdWcAAAE2H C3z8ONUWYAAFRh8