Kursigaan Maanta ay Doorashadiisa ka dhacday Muqdisho ayaa ka mid ahaa 5 Kursi oo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka horay u diideen Natiijadiisa Doorasho, waana kursiga beesha Jidle.
Xarunta ay ka dhacday Doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Nuux oo guuleystay helayna 43 cod, Hinda C/laahi oo heshay 1 cod iyo Nasro Axmed Cali oo tanaasushay, waxaana kursigan lagu balansanaa in ay ku tartamaan ilaa 6 Musharax.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay ka hor Doorashada Madaxweynaha dalka inay qorsheynayaan in la soo gaba gabeeyo Dooarashada xubnaha ka harsan Golaha Shacabka.
Shantii Xildhibaan ee Doorashadooda la amray in dib loogu noqdo, ayaa ilaa hada waxaa la doortay Afar Xildhibaan oo Doorashadooda ay ka kala dhacday Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Garowe.
