Taliyaasha Ciidammada Qalabka Sida oo gaaray Dhuusamareeb”Sawirro”

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Taliyaasha ciidanka xoogga dalka, Booliiska iyo Asluubta ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Taliyaasha oo ay la socdaan guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida oo hormuud uu u yahay wasiiru dowlalaha difaaca ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa fulinta amarkii Ra’iisul wasaaraha dalka oo ahaa in la qarameeyo ciidamada Ahlusunna iyo in laamaha amniga heer federaal laga howl geliyo Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan faray laamaha amniga dalka in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howl galaan caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug si loo dhamaystiro qorshaha qarameynta ciidanka Ahlusunna looguna diyaar garoobo xoreynta deegaannada Galmudug ay Shabaabku uga suganyihiin.