Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyay Xeeb Ku Taalla Dalka Liibiya

Wararka Maanta

Maraakiibta badbaadada ee ka howl gala xeebaha  Liibiya ayaa maalin qura soo badbaadiyay in ka badan kun muhaajiriin ah.

Waxay saarnaayeen doon ay rajeynayeen inay ku tagaan Yurub. Boqol qof oo badankoodu ka soo jeeda dalka Bangladesh oo hal mar la soo badbaadiyay ayaa lagu soo qaaday doon yar.

Tahriibayaal badan ayaa la kulma tacaddiyo jir ahaan iyo maskax ahaanba loogu geysto Liibiya inta ay ku jiraan safarkooda.

Tahriibka sharci darrada ah ee dhanka badda Liibiya laga soo galayo ayaa caqabad ku noqday Talyaaniga. Wuxuu dalkaasi qaabbilay in ka badan lixdan iyo shan kun oo muhaajiriin ah lixdii bilood ee la soo dhaafay, tiradaas oo boqolkiiba siddeed iyo toban ka badan tirada ay qaabbishay muddadan oo kale sanadkii hore.

Dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto qulqulka dadka muhaajiriinta ah ayay dowladdu amartay in la dhiso lix iyo toban xarumood oo cusub oo dib u dejin loogu sameyn doono muhaajiriinta.