Soomaaliland oo ka digaysa saamaynta roobabka Dayrta

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa farriin digniin ah waxaa uu u diray dadka ku nool meelaha ku dhow dhow ee Xeebaha Soomaaliland.

Sida lagu daabacay Bogga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliland waxaa dadka looga digay inay u dhawaadaan  meelaha biyo mareenada ah , dooxyada iyo laagaha ah ee ku yaala xeebaha Soomaaliland oo laga cabsi qabo inay ka da’aan Roobab daadad wata,waxaana farriinta ay u qorneyd sidatan.

Digniin : Shacbi waynaha reer Somaliland waxa digniin u diraya Wasiirka Wasaradda Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed inay ka digtoonaadaan kana fogaadaan goobaha Dooxyada iyo Laagaha ee dhulka Xeebaha ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda.

Digniin taan ayaa waxaa sigaar ah loogu diray Darawalada Gaadiidka, iyaga oo loogu baaqay in  hantidooda halis ku gelin goobaha khataraha ah ee dooxyada ee halistu ka imaan karto markii uu halkaasi ka da’o Roobka deyrta.

Hay’adda  ka hortagga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Soomaaliland ayaa shaacisay nin Saadaal la sameeyey laga cabsi qabo in uu ka da’o Roob Xeebaha Soomaaliland,isla markaana uu waxyeeloi u geysan karo dadka degan.