Sidee Washington iyo Wall Street ay u qorsheynayaan in ay u diidaan hormarka dhaqaale ee China

Arimaha Bulshada Dhaqaalaha Wararka Maanta

Bartilmaameedka: Shiinaha
Sidee Washington iyo Wall Street ay u qorsheynayaan in ay u diidaan hormar dhaqaale Drogonka Aasiya(China).
W/Q: Dalmar Cabdi Raage

Buuggaan waxaa qoray F. William Engdahl oo u dhashay dalka Mareykanka. F. William waa qoraa aaminsan aragtida Shirqoolka (Conspiracy Theorist), waxa uuna ku xeel-dheer yahay sida cilmi baaris loogu sameeyo dhaqaalaha iyo taariikhda, waana wariye madax bannaan. Sidoo kale F. William Engdahl waxa uu qoray Buuggaag kale oo ay ka mid yihiin; A century of War, Gods of Money, Seeds of Destruction iyo kuwa kale. Qoraaga, buuggaan waxa uu kaga hadlayaa hagar daamooyinka qorsheysan oo ay Mareykanka iyo Ingiriiska hoggaaminayaan una dajiyeen dadka Shiinaha, qorshahaas oo ku wajahan jiritaanka madax-bannaanida mustaqbalka ee Jamhuuriyadda Dadweynaha Shiinaha. Qoraaga waxa uu soo qaadanayaa tusaalooyin caddeynaya jiri taanka qorshooyinkaas iyo sida ay wax waliba u dhacayaan, asiga oo mawduuca uu buugga diiradda ku saaray uu yahay hardanka siyaasadda dhaqaalaha adduunka, sida la iskugu haayo.

Afartan sano ka hor dalka Shiinaha kuma uusan jirin siddeedda waddan ee dhaqaalaha adduunka ugu sarreysay, asiga oo afartan kaas sano ka hor waddanka Shiinaha muddo dheer ku jiray dib u dhac dhaqaale, ayaa markaas hoggaamiye u noqday Deng Xiaoping oo dabayaaqadii 1970-meeyadii dib u qaabayn weyn ku sameeyay nidaamka siyaasadda dhaqaalaha hantiwadaagga, ee uu waddanka Shiinaha heestay.

Kadib, dib u qaabayntaas iyo qorshaynti dhaqaalaha Shiinaha, wixii ka dambeeyay 1989-ki, Jamhuuriyadda Dadweynaha Shiinaha waxa ay la imaaday furfurnaan dhaqaale, ayada oo dawladda Shiinaha ogolaatay maalgashigi shisheeye, waxa ayna ku biirtay ururrada caalamiga ah ee ganacasiga adduunka. Dawladda Shiinaha ayaana dalkeeda ka dhigtay suuq ay maalgashi toos ah ku samaysan karaan waddamada Yurub iyo Mareykanka. Sodonki sano ee la soo dhaafay ayaana natiijooyinka maalgashigaasi waxa ay noqdeen kuwa lala yaabo sida xowliga ah oo ay uga qayb qaateen hormarka dhaqaale ee waddanka Shiinaha. La imaanshiyihi furfurnaantaas dhaqaale waxa ay Shiinaha ka dhigtay in uu maanta noqdo waddanka adduunka ugu horeeya ee dhoofinta marka la eego wax ku iibsiga doollarka iyo waddanka labaad ee ugu badan ee shidaalka soo dejista, marka laga reebo Mareykanka.

Laga soo bilaabo xiligaas waddanka Shiinaha waxa uu noqday waddanka kobaca dhaqaale ee ugu xowliga badan ku sameeyay muddadi sodonka sano ahayd ee ugu dambeysay, ayada oo sanadahaasi dhaqaalaha Shiinaha uu celcelis ahaan 10 boqolkiiba sanad waliba uu kobcaayay, sidoo kale muddadaas koobanna ku sameeyay koror qiyaastii gaaraysaya 48 jeer, ilaa uu soo tiigsaday booska waddanka 2aad ee ugu dhaqaalaha xooggan adduunka, kadib dalka Mareykanka oo kaalinta 1aad ku jira. Waxa uuna Shiinaha ku socdaa waddadi uu kaga hor mari lahaa Mareykanka oo ah dalka adduunka ugu horeeya xagga dhaqaalaha adduunka.

Sida lagu daabacay degalka Asian Link Business ayaa hay’adda lacagta adduunka ee IMF saadaalin dhaqaale oo ay bixisay ku sheegtay in kororka dhaqaale ee dawladda Shiinaha uu hiigsan doono 6.3 boqolkiiba 2019-ka si lamid ah 2020-ka, iyo sidoo kale 2021-ka oo ay ku saadaalisay 6 boqolkiiba in uu kordhi doono dhaqaalaha dawladda Shiinaha. Saadaashaan oo ay samaysay sida aan soo sheegnay IMF, ayaa sheegaysa in Shiinuhu uu ugu horreeyo heerarka kobaca dhaqaale ee dhamaan waddamada kale ee dunida. Odoroskaas ayaa aad u sii xoojinaya in Shiinuhu uu ka hormari doono dalka Mareykanka xagga kala sareynta awoodda dhaqaale ee adduunka.

Qaabaynta siyaasadda dhaqaale iyo qorshaha ay dajisatay dawladda Shiinaha oo ay wehlinayso hawlkarnimada iyo hal-abuurka dadka Shiinaha, ayaa sabab weyn u noqotay guusha dhaqaale ee Shiinaha, taas oo Shiinaha ka sara marisay waddanki dhaqaalo ahaan liitay sanadihii 1970-meeyadii, gaarsiisayna in uu Shiinaha noqdo waddanka 2aad ee ugu tunkaweyn dhaqaalaha adduunka maanta, mustaqbalka dhawna fursad u siinaysa in uu noqdo wadanka kaalinta 1aad ka gala xagga dhaqaalaha adduunka. Sidoo kale sida uu qoraaga soo qaadanayo, bangiga dhexe ee dalka Shiinaha waxa uu keyd ahaan u haystaa in kabadan $3.5 tirilyan oo keyd xagga isku badalka lacagaha qalaad ah, inta ugu badanna ay tahay lacagta doollarka. Kobacaas dhaqaale ee aadka u xooggan ee uu dalka Shiinaha ku sameeyay muddadaas aadka u kooban waxa ay wiishka ku yeerisay dawladda Mareykanka, asiga oo Mareykanka u arkaya Shiinaha; caqabad iyo awood kula loolamaysa xakameynta dhaqaalaha iyo siyaasadda adduunka. Sidaa darted kobacaas dhaqaale ee uu dalka Shiinaha ku talaabsaday ayaa keentay xiisadda dhaqaale ee u dhaxaysa Beijing iyo Washington, ayaga oo labadaan quwadood ku loolamayaan Bariga-dhexe, Afrika iyo Aasiya. Qoraaga waxa uu buuggiisa diiradda ku saaray asiga oo si faahfaahsan inoogu kala dhigdhigay qaabka ay Shiinaha iyo Mareykanka ugu loolamayaan Bariga-dhexe, Afrika iyo Aasiya.

Natiijada dagaalkan dhaqaale ayaana keentay in dalka Mareykanka uu garab si hoose u siiyo dalka Japan oo khilaaf ku qotoma jasiiradaha Baasifigga kala dhaxeeyo Shiinaha. Beijing ayaana kol dambe dareentay cadaawadda sii kordheysa ee kaga imaanaysay xagga Washington. Si kastaba ha ahaatee dhaqaale yahanada ayaa hoos ka xariiqay khilaafka u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka in ay ku keeni karto dhaqaalaha aduunka dhabar jab aad u weyn, gaara ahaan wadamada soo koraya ee uu dhaqaalahoodu aadka u liito. Qoraaguna waxa uu buuggiisa ku faahfaahinayay; dagaalka u dhaxeeya labadaan awood-dhaqaale, sida uu adduunka u sameeyay gaara ahaana waddamada saboolka ah. Sidoo kale qoraaga waxa uu sharraxaad ka bixiyay waxa dhici kara haddii Washington ay sii waddo isku daygeeda ah in ay Beijing cadow ka dhigato.

Qoraagu waxa uu buuggiisa ku sheegay; ka dib burburkii Midowgi Soofiyeet 1990-ki iyo ku biiritaanki Shiinaha uu ku biiray Ururka Ganacsiga Adduunka ee loo soo gaabiyo WTO, in ay taasi ku jirtay qorshaha Mareykanka ayna ahayd danaha uu Mareykanku ka lahaa in lagu fataho Shiinaha ayada oo la maalgashanayo, looguna talagalay in laga dhigo Shiinaha waddanka ugu badan ee wax dhoofiya adduunka. Yeelkadeede, dhoofinta waxay ahayd badeecadaha Mareykanka iyo Yurub oo kaliya, sida gawaarida laga isticmaalo Yurub iyo farsameynta moobeylada casriga ah, alaabahaas oo lagu warshadeeyo dalka Shiinaha ayaga oo lagu soo saaro qiimo aad u hooseeya. Faa’iidada inteeda badanna ay ku dhacayso akoonnada bangiyada Mareykanka.

Wax waliba sida ay ula haggaagsanaayeen dawladda Mareykanka illaa 2005, siyaasadda kobaca dhaqaale ee Shiinaha oo xowli ku socday ayaa loo arkaayay in aysan khatar weyn ku ahayn danaha Mareykanka. Illaa inti koritaanka dhaqaalaha Shiinaha uu socday ayaa mar qura lagu baraarugay damaca uu Shiinaha ka yeeshay saliidda(oil), birta, maarta iyo badeecooyinka kale ee qiimaha leh. Wax yaabaha qaaliga ah oo ay Shiinuhu damceen ayaana ku kala baahsan wadamada Afrika iyo Bariga-dhexe. Marka uu bilawday damaca shiinaha ee suuqa adduunka, Shiinuhu wuxuu si tartiib tartiib ah hoos ugu dhigay siyaasaddii hore ee uu dhaqaalihiisa ku kobcinaayay, waxa uuna diiradda saaray wax yaabahi uu baahida weyn u qabay ee uu damcay, asiga oo diiradda saaray Afrika, Aasiya ilaa Bariga Dhexe oo saliidda iyo macdanta hodan ku ah.

Shiinuha waxa uu talaabo talaabo soo qaadaba, Mareykanku waxa uu aad u dareemay 2005 damaca weyn oo ay lee dahay dawladda Shiinaha iyo in uu Shiinuhu u diyaarsan yahay in uu wajaho dawladda quwadda adduunka hogaaminaysay tan iyo dagaalki labaad ee adduuka kadib. Maantana waxa uu Shiinahu wax yar u jiraa in uu kaalinta koowaad kala wareego dawladda Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee buuggaan ayaa waxa uu faahfaahin cilmi baaris ku qotonta ka bixinayaa sida siyaasadda qorshaysan ee uu Mareykanku dagsaday ay uga soo horjeedo kobaca dhaqaalaha Shiinaha iyo sida uu Mareykanka u doonaayo in uu meesha kaga saaro awoodda dhaqaale ee la baratamaysa ee u diyaarsan in ay hoggaanka kala wareegto hogaamiyaha dhaqaalaha adduunka(Mareykanka).

Qoraaga waxaa uu buuggiisa ku soo qaadanayaa aasaasiddii United States Africa Command (AFRICOM) oo la aasaasay 2007 in ujeeddadii laga lahaa ay ahayd in lagu joojiyo dadaalada baaritaan ee uu shiinuhu ka wado qaaradda Africa, asiga oo Mareykanku doonayay in uu ka carqaladeeyo soo saaridda saliidda(shidaalka) ee uu Shiinaha ka waday Afrika.

Bilawgii 1999-ki, ayaa maalgashatadii Shiineyska ee igu waaweyneed waxa ay bilaabeen in ay ku dhawaaqaan in ay maalgashanaayaan soo saarista Saliidda ee dalka Suudaan. Shiinaha ayaa koonfur-galbeed ee gobalka Daarfuur ee dalka Suudaan ka helay Shidaal markaasna bilaabay dhismaha dhuumaha shidaalka qaadi lahaa oo dhirirkoodu gaaraayeen 900-mayl (1448.41km), dhuumahaas oo Shidaalka ka soo qaadi lahaa Koonfurta Suudaan oo gayn lahaa dakadda Suudaan ee Badda Cas, halkaas oo looga rari lahaa dalka Shiinaha. Bishii Abriil 2005, Wasiirka Tamarta ee Suudaan Cawad al-Jaz ayaa saxaafadda ugu sheegay magaalada Khartuum in goob shidaal laga helay koonfurta Daarfuur, lana filayo inay soo saarto 500,000 kun oo fuusto oo saliid ah todobaad walba gudihiis. Halka dawladdaha Mareekanka iyo Ingiriiska ay markaas ku qanacsanayn sida ay wax uga socdeen Suudaan.

Durbadiiba, kooxo maleeshiyaad ah oo hubaysan ayaa ka soo gudbay xadka lama-degaanka ah ee u dhaxeeya Suudaan iyo dalka Chad. Maleeshiyaadkaas oo ka soo jeeda dalka Chad ayaa sida uu qoraaga buuggiisa ku sheegay, gacan ka helayeen sirdoonka reer Galbeedka iyo Mareykanka, ayaga oo gobalka Daarfuur ka geestay dil, kufsi iyo dhac ilaa dhacdadaas lagu tilmaamay in ay ahayd Xasuuq. Mareykanka ayaana bilaabay hawlgal ka dhan ah “xasuuqii gobalka Daarfuur” ka dhacay, balse qoraaga sida uu buuggiisa ku xusay ayaa ahayd, ujeedada ka dambaysay in ay ahayd in la helo cudurdaar, si loo keeno ciidamo ka socda NATO gobalka Daarfuur, loona carqaladeeyo mid ka mid ah gobollada uu Shiinaha rajada badan ka lahaa.

Hase yeeshee, dawladda Shiinaha ayaa bilawday dadaal diblomaasiyadeed oo cusub, oo ay la gashay inta badan dawladaha Afrika wax yar ka dib daahfurkii helitaanki shidaalka Daarfuur, iyada oo dawladda Shiinaha bishii Nofeembar ee 2006, Beijing ku martigelisay shir aan caadi ahayn oo ay ka soo qeybgaleen 40 madaxweyne oo Afrikaan ah, sida Algeria, Nigeria, Mali, Angola, Central African Republic, Zambia, South Africa, Sudan, iyo kuwo kale, isla sanadkaas 2006 qaarada Afrika waxa uu shiinaha ka qaatay qiyaastii 30 boqolkiiba saliidda ceyriinka ah.

Bishii Oktoobar ee 2007, shirkadda weyn ee shidaalka ee Shiinaha ee China National Petroleum Corporation (CNPC) ayaa la saxiixatay qandaraas dalka Liibiya, qandaarsaas oo lagu dhisayay warshad sifeysa shidaalka, halka ay dowladda Chad qayb ka ahayd heshiiska. Laba sano kadib sanadkii 2009-ki waxay bilawday shirkadda CNPC fulinta qandaraaska ay saxiixday ayada oo dhisaysay dhuumaha saliida qaada oo dhirirkooda ahaa 300km, balse maxaa dhacay? NGO-yada ay taageeraan reer galbeedka ayaa si saadaal ah u bilaabay in ay diraan qayla-dhaan ka dhan ah saameynta deegaanka ay ku yeelanayaan dhuumaha saliida ee uu Shiinuhu dhisaayo. Isla NGO-yadaas ayaa ka aamusay markii ay shirkadda shidaalka ee Chevron ee laga lee yahay waddanka Mareykanka oo ay hawlo shidaal ka samaysay 2003 gudaha waddanka Chad.

Qoraagu sida uu buuggiisa ku qoray, waxa uu sheegayaa in kacaandoonadii midabka(color revolutions) ee bilawdeen 2000, oo kala ahaa Saffron Revolution oo ka dhacay Myanmar, Orange Revolution oo ka dhacay Ukraine, Rose Revolution oo ka dhacay Georgia iyo dhamaan kacdoonadi kale ee la xariiray kacdoonki midabada ee lagu kicinayay dowladdaha istiraatiijiyad ahaan ku hareereysan dawladda Ruushka iyo sidoo kale China, in ay dhamaantood wada ahaayeen mashruuc ay ka dambeeyeen Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka, Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon iyo CIA-da Mareykanka. Sidoo kale qoraagu waxa uu bidhaaminayaa in Mareykanka uu aad u daneynayo Myanmar sababta uu u danaynayana ay tahay in waddanka Myanmar(Burma) uu hormaro marin biyoodka ugu mihiimsan ee Aasiya ee loo yaqaano “Marinka Malacca”, ee isku xariiriya Badweynta Hindiya iyo Baasifigga, waana marin biyoodka ugu gaaban ee u dhexeeya Gacanka Beershiya iyo Shiinaha, ayada oo sidoo kale in ka badan 80 boqolkiiba maraakiibta booyadaha shidaalka u daabula Shiinaha ay maraan marinka Malacca.

Dhinaca kale, Shiinaha kaliya Afrika iyo Aasiya kama uusan raadin damaciisa ee sidoo kale waxa uu isku dayayaa in uu wax soo saar dhaqaale ka sameeyo Yurub, asiga oo bishii Maajo 2014, Madaxweyne Russia Vladimir Putin kala saxiixday heshiis gaas oo gaarayo 30 sano, heshiiskaas oo lagu qiyaasay in uu gaarayo in ka badan $400 bilyan.

Gunaanadki, aragtideyda markaan akhriyay buuggaan waxaan is lee yahay qofki akhriya buuggaan waxa uu sharaxaad buuxda ka helayaa hardanka khilaafka dhaqaale ee dunida ka jira, gaara ahaan loolanka dhaqaale ee u dhaxeeya Mareekanka (oo duulaan ah) iyo Shiinaha, iyo saameynta dhaqaale oo ay labadaan dawladood dunidaan casriga ah ku lee yihiin. Akhristaha waxa uu buuggaan ka heli karaa xogo badan oo la xariira quwadaha dhaqaale ee adduunka isku haya iyo sida ay ugu kala tartamayaan dhaqaalaha oo ay kolba baal(bog) cusub oo tartan dhaqaale ah u furayaan mar walba, iyo waxa la isku haayo dunnidaan in aysan kaliya ahayn dhaqalaha balse wax intaa ka badan ay jiraan sida xogta, warbaahinta, quudka iyo wax waliba oo bani-aadamka nacfi u ah. Sidoo kale qoraalkaan kooban ee aan ka sameeyay buuggaan waxaan is lee yahay qofki raba in uu akhriyo buuggaan, qoraalkaan waxuu ka saacidayaa fahan hordhac ah in uu ka helo buugga.

Xigasho: https://dalmarcr45.blogspot.com/2021/04/bartilmaameedkashiinaha-sid-ee.html?spref=fb&m=1

1 thought on “Sidee Washington iyo Wall Street ay u qorsheynayaan in ay u diidaan hormarka dhaqaale ee China

  1. Thank toy ceelhuur madia
    Book target China wa book xog dhamestiran leh iyo kulanana socod sinaya quwadaha adunka

    Thank you again

Comments are closed.