SOMAALILAND LAMA DAAYO LAMANA DAAWEEYO!!

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Gobolada Waqooyi –Somaliland – waxay xuriryadda qaadatay 26 Juun 1960. waxay ka xorowday gumeystihii ingiriiska, muddo shan maalmood ah ( 26 – 30 juun 1960 gobolada waqooyi waxay ahaayeen gobolkii ugu horeeyay ee shantii Soomaali weyn xoroobay. Shicibka gobolada waqooyi waxay ku waasheen oo ay jeclaayeen Soomaali weyn.

1dii Luulyo 1960 waxay la midoobeen goboladi koonfur oo ka xoroobay gumeystihii Talyaaniga,  jamhuuriyadii Soomaaliy 1960 gobolaa waqooyi waxaa laga siiyay cad balaq ah waxaana la siiyay xilka guddoomiyaha baarlamaanka, waxaa loo diiday xilka awoodda fulinta iyo xilka madaxweyaha, baarlamaankii Soomaaliya oo ka kobnaa 123 dinutaati waxaan laga siiyay reer waqooyiga 33 xildhibaan, gobolada Waqooyi 1967  waxay heleen xilka ra’iisul wasaaraha waxaa loo magacaabay mudane Maxamed Xaaji Ibrhaim Cigaal, xubintaa la siiyay reer waqooyiga waxay galaafatay madaxweynihii 2aad Dr. Cadbirashiid Cali Sharmarke 15 Oktobar 1969 nin askari ayaa ku toogtay degmada laas caanood, taasna waxay dhashay in dowlad military ah dalka qabsato oo baraym minister Cigaal xabsi lagu tuuro, xukuumadiisina la kala racdeeyo, dastuurkii uu ku shaqynayayna la laalo (la baa’iyo ).

Gobolada waqooyi waxay isku dayeen inay ka goostaan gobolada koonfureed, waxay sameeyeen inqilaab military waa ka fashilmay, saraakiishii hoggamineysayn waa la toogtay, sida la sheegay waxaa xeebta jasiira lagu xasuuqay 40 dhallinyaro ah oo ka soo jeeda gobolada waqooyi oo lagu tuhmahay inay lug ku leeyihiin goosashada gobolada waqooyi.

Gobolada waqooyi ma quusan waxay sameysteen jabhad hubesan oo loo mbixiyay SNM 1981,waxay noqotay jabhadii ugu horeeysay ee dowladii military dagaal fool ka fool ah ku soo qaaday, hase yeeshee waxay kala kulmeen jab iyo halaaga waxaa la shacbigii reer waqooyiga waxaa la dumiyay deegaanki ay ku noolaayeen dumarkii iyo caruurtii ka sooqaxayna waxaa loo bixiyaya xabbadi keento, jabhadii ku kacay jeneraal jaalle maxamed siyaad barre hoggaamiyihii militariga ee xoogga weynaa markii ay jebiyeen jabhadihii kacdoonka, gobolaa waqooyi halgankii SNM wax faa’ido ah laguma siinin.

Waxaa halgankii afduubay ururada USC,SSDF iyo SPM xilkii madaxwynaha waxay siisteen mudane Cali Mahdi Maxamed oo ka soo jeeda ururka USC. Sidaa daraadeed gobolada Waqooyi midowgii Soomaali weyn waa laghu khiyaanay. Halgankii ururadi hubeysana waa lagu khiyaanay. Gobolada waqooyi. 47 sano gobolada aqooyi xil iyo drajo waa loo diiday. 18 May 1991 gobolada waqooyi waxay ku dhawaaqeen inay ka go;’aan midowga Soomaali Weyn, waxay la baxeen Jamhuuriyadda Somaalilanad, waxay yeesheen calan u gaar ah, ciidan u gaar ah, baasaboor u gaar ah, baarlamaan iyo xukuumad iyo xisbiyo, waxay muddo 27 sano ah waxay ku nool yihiin magaca jamhuuriyadda Soomaalilan oo aan la aqoonsaneyn  hase yeeshee doorashoyin xor ah oo xalaal ah waxaana hoggaanka dalka Soomaaliland soo qabtay 5 madaxweyne oo si dimoqraadi loo soo doortay/

Soomaaliland ha la daaweeyo ama ha la daayo, daawada 1aad waxaan dhihi lahaa in la siiyo xilka madaxweynaha Jamhuuriyada soomaaliya, hargeysana laga dhigo caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, dalka Soomaaliyana laga dhigo laba dowlada goboleed oo simana oo kala ah dowlada goboleedka waqooyo Galbeed ( Soomaaliland) iyo dowlada goboleeda gobolada Koonfureed. Haddii siyaasiyiinta  gobolada koonfureed ay donayaan sed bursi iyo silic joogta ah waxaa ku haboon in ictiraafaan madax banaanida jamhuuriyadda Soomaaliland  oo ay markii ay diriraan oo is dilaan oo ayh meel naf iyo maal geliyaan ay waayaan inay magan galyo siyaasadeed u hoos galaan jamhuuriyadda Soomaaliland.

Siyaasiyiinta gobolada koonfureed midnimaa Soomaali waa muqadas xal ma aha xalaalna ma aha waxaana haboon inay soomaaliand daaweeyaan ama ay daayaan.

 

Axmed Maxamuud Dhicisoow ( Axmed Yaanyo )

E-Mail amdhicisow@gnail.com

TEL -00252619915666

1 thought on “SOMAALILAND LAMA DAAYO LAMANA DAAWEEYO!!

Comments are closed.