Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo la magacaabay

Wararka Maanta

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigey Maxamuud Xuseen Yuusuf halka ay guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow, halka xoghaynta guddigana uu yahay Ismaaciil Maxamed Nuur.

Xubnaha guddigan doorasho oo aysan ku jirin wax dumar ah ayaa lagu wadaa inay soo diyaariyaan sharciyadii iyo nidaamkii loo qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii 14kii bishan ay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle kalsoonidii kala noqdeen Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Halkan ka aqriso wareegtada lagu magacaabay Guddiga Doorashada Hirshabelle;

aregto