Home > Wararka Maanta > Faah-Faahin:Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray shaqaalaha turkiga ee dhismaha wadada afgooye

Faah-Faahin:Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray shaqaalaha turkiga ee dhismaha wadada afgooye

Wararka Maanta

 

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof naftii halige ah ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamo Boolis ah iyo gaari kale oo ay saarnaayeen Shaqaale Turki ah.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu ahaa NOHA, kaasoo lagu dhiftay gaari Cabdi bile ah iyo gaadiid kale.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa la sheegayaa inuu khasaare ka soo gaaray, si dhab ah looma oga khasaaraha soo gaaray shaqaalaha Turkiga.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu qaraxa sababay, waxaana sawiro goobta laga soo qaaday ay muujinayaan khasaaraha iyo baaxada qaraxa iyo waxyeeladiisa.

Waa weerarkii labaad oo lagu bartilmaameedsado Shaqaalaha Turkiga ee dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo 28-kii bishii December ee sanadkii hore qarax ka dhacay Ex Koontarool Afgooye lagu dilay labo shaqaale Turkish ah iyo 50-meeyo kale oo shacab Soomaaliyeed ahaa.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!