Sidee macalin iskool ku noqday mid kamida hogaamiyasha ugu dhagarta badan Al-shabaab?

Wararka Maanta

Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaanay dhowr naaneys sida Ilkacase, Daahir Xudeyfa iyo Caddaawe waxaa uu ahaa Macalin Iskuul caan ka ah Muqdisho oo lagu magacaabo Macalinkan ayaa isu bedelay Madaxii Kooxda Khaarijinta Al-Shabaab ee Muqdisho oo loo yaqaano Amniyaadka.

Talaadadii la soo dhaafay ayuu ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, iyadoo Xeer Ilaaliyeyaasho ay ku soo oogeen in Ilkacase uu mas’uul ka ahaa dilka 180 qof.

Dad badan ayay layaab iyo amakaag ku noqotay Macalinkan, markii ay arkeen muuqaalkiisa iyo eedaha loo soo jeediyay, waxaana ay aheyd dhacdadii ugu hadal heynta badneyd ee todobaadkan Muqdisho laga hadal haayo.

Ilkacase ayaa ka soo muuqday muuqaal Video oo ay sii deysay Maxkamadda Ciidamada, isagoo qirtay inuu ahaa Madaxii howlgalada Al-Shabaab u qaabilsan Muqdisho, waxaa uu mas’uul ka ahaa dilalka saddex jeneraal isugu jira Boolis, Milateri, iyo Kuxigeen Xeer Ilaaliye guud iyo dilal kale oo uu amarkooda lahaa.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Ilkacase ku xukuntay dil toogasho ah, isaga iyo lix kale oo mas’uul ka ahaa dilalka qorsheysan ee ka dhacay Muqdisho sanadihii u dambeeyay.

Ilkacase oo 27-jir ah ayaa ka soo jeeda magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo lahaa magacyo kala duwan oo uu isku qariyo.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay inay magaciisa maqlayeen illaa sanadkii 2014, taasoo aheyd markii xubno Shabaab ah oo laga shakiyay lagu qabtay bastoolado, xilli ay ku sugnaayeen degmada Xamar weyne, iyagoo magacaabay Xudeyfi inuu hubka u soo dhiibay, si ay dilal ugu fuliyaan.

Sidoo kale dhowr xubnood kale oo Al-Shabaabnimo loo qabtay ayaa magac dhabay isla ninkan magacyada badnaa.

Bishii Janaayo 2016 ayaa xabsiga loo taxaabay, markii la ogaaday in taleefankiisa xiriir la sameeyay shaqsiyaad caan ah oo Al-Shabaab, Maxkamad la soo taagay ayuu sheegay inuu yahay nin Macalin wax ka dhiga Kuliyad, iyadoo markii dambe la xaqiijiyay, laguna sii daayay damaanad, balse xilligaas Mas’uuliyiinta ma aysan garaneyn in ninka ay qabteen inuu ahaa Xudeyfi.

Sannadkii xigay, Maxamed Xaaji Axmed wuxuu adeegsaday dhowr magacyo oo kale. Bishii Noveembar 2, 2016, oday dhaqameed ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho. Laba nin oo ay boolisku xireen oo lala xiriiriyay inay dilka geysteen ayaa magacaabay in nink soo diray ama kormeerahooda uu ahaa Daahir.

Bishii Decembar 2018, labo qarax oo mataano ah oo ka dhacay Tiyaatarka Qaranka waxaa ku dhintay ugu yaraan toban qof oo uu ku jiro weriye caan ahaa oo ka shaqeynayay Telefishinka Universal Cawil Daahir Salaad, labo dhalinyaro oo loo qabtay qaraxaas ayaa iyana sheegay inuu abaabulka qaraxaas lahaa nin ay magaciisa ku sheegeen Ilkacase, waa isla ninka magacyada badnaa.

Saraakiisha Booliska waxay markaas wixii ka dambeeyay ay xaqiijiyeen in Xudeyfi, Daahir, Ilkacase iyo Axmed uu yahay hal qof, Maalintii talaadada markii Maxkamadda la horkeenay waxaa uu xaqiijiyay inuu dhammaan magacyadaas uu lahaa.

“Markii hore waxaa la ii yaqiinay Xudeyfi, laakiin waxaan la shaqeeyay kooxo kal aduwan koox walbana magac ayay igu yaqaaneen”ayuu yiri.

Maalintii Talaadada, Ilkacase waxaa loo xukumay dilkii uu u geystey Maxamed Cumar Sheekh Cusmaan, oo lagu dilay masaajid bishii Febraayo 24 2017; dilkii Jeneraal C / llaahi Maxamed Sheekh Qururuh, oo la dilay Sebtember 24, 2017; dilkii loo gaystay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Maxamed C/raxmaan Maxamuud bishii Feberaayo 20, 2019; iyo dilkii loo geystay Jeneraal Maxamuud Xaaji Alow 27-kii Abriil, 2019.

Sidoo kale Ilkacase waxaa uu ku lug lahaa dilka adeerkiisa Jeneraal Ismaaciil Axmed Cusmaan Oktoobar 28, 2016. Waxaa la yaab aheyd inuu deggenaa guriga adeerkiis Cusmaan ee ku yaal magaalada Marka markii uu ahaa arday dugsi sare, kadib markii aabihiis ka codsaday Cusmaan inuu caawiyo wiilkiisa.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada milateriga Cabdulahi Buule ayaa ku tilmaamay Ilkacase inuu ahaa “dilaa naxariis daran”

“Dambiyadiisa waa kuwo aan la aqbali karin, Wuxuu dilay ninkii soo koriyay oo aheyd gacantiisa isaga quudisay oo ahaa Jeneraal Ismaaciil,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Ilkacase uu kaliya ka badbaaday aabihiis, si uu isugu qariyo, ama u isticmaalo haddii xabsiga loo taxaabo inuu damiinto

Qareenada Axmed ayaa ku dooday in macmiilkooda kaliya lagu ciqaabi karo kiisaska lagu cadeyn karo maxkamada horteeda.

Maxamed Axmed Ilkacase ayaa bartay luqada Ingiriiska oo uu wax ka dhigayay Iskuulkaas, balse waxaa uu ka tagay bishii Maarso ee sanadkii 2019, labo bilood ka hor inta aan la qaban, waxaana maamulka Iskuulka uuw ax ka dhigayay ay sheegeen in aanay ka warqabin inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab.

Xigasho: Jowhar.com+ Facebook