Hirshabeelle oo baaq u dirtay Beelaha ku Dagaalamaya Degmada Cadale

Wararka Maanta

Qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen dagaal beeleedka Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalkaas ka socda deegaano hoostaga degmada Cadale,waxaana uu sheegay in uu yahay mid aad looga xumaado.

“Waxaa ku baaqayaa in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedka degmada Cadale, marar badan ayay dadaal badan ku bixiyeen dowlad goboleedka Hir-Shabeelle sidii loo xalin lahaa dagaal beeleedkaas,waana wax lag xumaado in uu si fudud ku daato dhiiga dadka walaalaha ah, waxaana diyaar u nahay inaan dhigno gogol nabadeed oo lagu xalinayo beelaha dagaalamaya ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Dhinaca kale gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu wado dadaal xoogleh oo ku adan sidii loo xalin lahaa dagaal beeleedyadaas,waxaana uu ugu baaqay waxgaradka labada beelood inay si deg deg ah uga qeyb qaataan joojinta dagaalkaas.

Shalay gelinkii hore ayaa dagaal culus oo u dhaxeeyey labada maleeshiyo beeleed waxa uu ka qarxay tuulada Buurdheere ee degmada Cadale,waxaana dagaalkaas la sheegay in uu sababay dhimashada in ka badan tobaneeyo ruux dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.