Sidee loo qeybiyey 3 kursi cusub aqal sare Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirkii ugu dambeeyey ee madasha Hoggaanka Qaran ayaa waxaa 18 kursi lagu kordhiyey 54 ee aqalka sare, kuwaas oo min 3 kursi loogu daray maamul goboleed kasta, waxaana kuraastaan laga sugayey in ay soo magacaabaan madaxda maamul goboleed, kadiba digreeto ku soo saaro Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug C/kariim oo dalka safar uga maqan ayaa loo dhag taagayaa sida uu u qeybiyo saddexda kursi, waxaana jirta in  11 beelood ee ay Galmudug ku dhisan tahay saddex ka mid ah ay ka qadeen kuraastii hore ee aqalka sare, beelahaas oo kala ah : Saruur, Shiikhaal iyo Beesha Shanaad.

Hadaba ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in madaxweynaha Galmudug u qeybiyey kuraasta sidan :

  1. Beesha Saruur hal kursi
  2. Beesha Murusade hal kursi
  3. Beesha shanaad hal kursi

Inkasta oo ay suurtagal tahay hab qeybinyta wax iska badali karaan, maadaama beelo badan xusul duub ugu jiraan sidii ay wax uga heli lahaayeen kuraastan cusub.

Wixii kusoo kordha arintaan kala soco ceelhuur.com

Comments are closed.