Labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta lagu wado inay ka doodaan Dhacdadii Qalbi-dhagax

Wararka Maanta

Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in ay fariistaan labada aqal ee baarlamaanka Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, oo  mid weliba ajendihiisa ugu horeeya waa ka doodista sida xukuumadda Kheyre ay ugu gacan-gelisay Qalbi-dhagax talista Adis Ababa.

Warar ay heshay Ceelhuuronline ayaa sheeya in labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya isku raaceen ka doodista kiiska C/kariin Shiikh Muse Qalbi-dhagax oo ka tirsana Jabhadda dib u xoraynta Ogaadeena ee ONL kaas oo Xukuumadu u gacan-gelisay Ethiopia.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa xaqiijiyay in arrinka Qalbi-dhagax ay tahay ajendaha ugu horreeya maanta ee golaha, lagana doodi-doono ay tahay qaabka ay u dhacday dhiibistii Qalbi-dhagax

Waxa uu yiri Arrinta mar haddii ay ku saabsan tahay arrimo la xiriira dastuurka iyo meel-ka-dhac lagu sameeyay qodobadiisa, xeerarka caalamiga ah oo lagu tuntay iyo sharciyo la sheegao in Qalbi-dhagax lagu dhiibay, arrimaahaasi oo dhan waxaa ay qeyb ka yihiin shaqada aqalka sare

Dhanka kale Warar ku dhaw guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka  ayaa dhankooda sheegaya in Xildhibaannada isku ballansadeen  in aan laga baaqan, isla markaana aan loo baahneen in loo yeero wax xukuumadda federaalka ah ee Xildhibaannada keliya ay ka doodi-doonaan arinta Qalbi-dhagax 

Qaar ka tirsan golaha wasiirrada ayaa lagu eedeeyay in ay is hor-istaageen kulankii golaha shacabka ee sabtidii dhici lahaa, aqalka sare kuma jiraan Xildhibaanno wasiiro ah, waana adag tahay in taasi dhacdo.

 

Ali Abdiwahab Aden

Ceelhuuronline