Sidee ku dooran lahayd kulliyada aad rabto marka aad dhamayso dugsiga sare?

Qalinka Qoraaga Uncategorized Wararka Maanta WAXBARASHADA

fb_img_1482913685771

Sidee ku dooran lahayd kulliyada aad rabto marka aad dhamayso dugsi sare?

Sanad walba waxaa ka soo qalin jabiya arday badan dugsiyada sare kuwaa oo dhibaata ka qabsato sidii ay ugu biiri lahaayeen kuliyadda ku haboon isla markaasna uu Ardaygu raaxa ku dareemi karo marka uu dhiganayo fasalka. Sida inbadanba dhacda arday walba waxa u fiirsada saxiibadiis halka ay u badanyihiin ama ardaydii ka horreysay halka ay kubiireen taasina caqabad ayay ku keeni karta qofka sidaas sameeya iyadoo ugu danbayn ay dhici karto inuuba wax barashada ka tago.

Qormadaan waxa aan jeclahay inaan ugu faa’ideyo ardayda sanadkaan kaso qalin jabisay dugsiyada sare ee dalkeena si ay faham uga qaatan habka ay u dooran lahaayeen qayb jamacadeedka ku haboon si ay ugu sahlanaato ardayga inuu fudayd ku dhamaysto jaamacada.

1-   Waa maxay xirfada aad rabto inaad barato?

Inaad ogaata xirfadda aad doonayso inaad barato ama ku taqasusta waxa ay kaa cawinaysa inaad ogaato halka hayaankaagu yahay waxaadna ogaanaysa meesha ay jirto kulliyada aad u baahantahay tusaale ahaan haddi aad doonayso inaad barato cilmiga deegaanka (Environmentalist) waxa ay qayb katahay kulliyadda layiraahdo Ecology.
2-  Ardaynimadaadi maadoyinke ku wanaagsanayd?

Dib u eeg ugu yaraan tobonkaagi sano ee arday-iskuulka ahayd kuwee ahaayen maadoyinka aad ku firfircooneed tusaale ahaan, haddi aad ahayd arday aad ugu fiican maadoyinka sayniska gaar ahaan qaybaha xisaabadka iyo fiisikiska way iska cadahay inaad u socoto kulliyada injineeriyada qaybaheeda kala duwan.

3-   Noqo aqoonyahan markasta loo baahanyahay

Si aad u noqoto qof loobahanyahay marwalba waa inaad awood u yeelata inaad baran karto waxa looga baahanyahay deegankaaga e aan loobadnayn si aad u buuxiso booskaas banan ama sikale haddi aan u iraahdo waa kulliyadaha aan horay loobaran. Tusaale ahaan wadankeena waxa kamid ah qaybaha aadka loobartay maaraynta ganacsiga oo dad badani ay barteen. Si arrinkaan aad go’aan fiican uga qaadato waxaad u baahantahay inaad latashato saaxib wanaagsan ama qofkle oo khabiir ku ah arrimahaan sida barfisoorada jaamacadaha.
4-  Inaad leedahay nadaam kuu dagsan o kala horeeya (priorities) tusaale ahaan waxaad rabtay inaad noqoto pathologist waana ku suurtoobi waysay inaad hesho qaybtaas. Ma iska fariisanaysaa marka? Maya, ee wa inaad horay u sii ogayd haddi aad waydo dooqagi koowaad inuu kuu jiray mid labaad o isla qaybahaas caafimaadka ah waayo waa in listiga aad samaysanaysaa uu yahay mid logic ku dhisan ama cilaaqaad isla leh. Arrinka aan qodabkaan uga hadlayo waad ku arki doontaa jaamacadaha qaarkood o forms-ka lagaa buuxin doono ayaa waxa kamid noqon doono inta kulliyadood e aad jecashahay inaad ku biirto haddi aad wayso ti aad dalbatay markii hore.

Ugu danbayn, waxa aad ogaata dooqa saaxibkaa maahan kaaga ee adigu marwalba ku dadaal sidii aad ugu biiri lahayd kulliyada aad jeceshahay. Haddi aysan wadanka diyaar ku ahayn qaybta aad doonaysa inaad ku mutacalimto isla markaasna aad awood dhaqaale u leedahay inaad dalka dibadiisa aado haka daahin o yuusan waqti kaa lumin.

———-DHAMAAD—–

W/Qorey: Ahmed Wehlie