Xeer ilaaliyaha Qaranka oo gaaray dalka Kuweyt (Sawirro)

Wararka Maanta

Wafdiga uu hoggaaminayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa gaaray Magaalada Kuweyt ee Dalka Kuweyt.

Wafdiga oo ay Magaalada Kuwait ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Dalkaasi ahna Hormuudka
Danjireyaasha Carbeed Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheikh iyo qaar kamid ah diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait, waxaana lagu wadaa in uu kaqeybgalo munaasabad lagu soo gunaanadayo tababar koox Xeer Ilaaliyeyaal Soomaaliyeed ah loogu soo xirayo Machadka Tababbarada Adeega Garsoorka ee Dalka Kuwait.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa la filayaa inuu kulamo howleed la qaadan doono dhiggiisa Dalka Kuwait iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Adeega Garsoorka ee Kuwait.

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait oo haatan ah Hormuudka Danjireyaasha Carbeed Mudane Cabdulqaadir Amin Sheikh ayaa kaalin wanaagsan ka qaatay xiriirinta iyo dhiraandhirinta barnaamijyada Iskaashiga ah ee
Wasaaradda Caddaalada Kuwait ay u fidisay Garsoorka Soomaaliya.

Safarka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la filayaa inuu qaadan doono muddo seddax cisho ah, markaa kadibna uu dalka dib ugu soo noqon doono.

gar gar1 gar2 gar3 gar-640x480

Isha: Sonna