Shkodran Mustafi Oo Dhaawac Uga Maqnaanaayo Kulanka Watford

Ciyaaraha

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay waayaan adeega  daafacaan Shkodran Mustafi ka dib safarkoodai todobaadkan ee kooxda  Watford ay la ciyaarayaan

25 jirkaan ayaa ku soo bilowday shan kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Gunners, lakiin haatan ayaa waxa uu wajahaya maqnaansho ka dib markii lagu qasbay inuu garoonka ka baxo 36 daqiiqo kulankii ay Germany guusha ka gaartay Azerbaijan sabtidii.

Daafacaan ayaa tan iyo markii ku soo laabtay England si ay u qiimeeyaan shaqaalaha caafimaadka ee Arsenal, sida laga soo xigtay Sky Sports News, ma ahan inuu taam u noqdo kulanka Vicarage Road ee Sabtida.

Dhacdadaas ka dib, maamulaha Jarmalka Joachim Low ayaa sheegay in uu rajeynayo in Mustafi uu ka sii maqnaani doono muddo dheer garoomada, waxaana la filayaa bartamihii Nofeembar.

Arsene Wenger ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ka maqnaado Laurent Koscielny iyo Calum Chambers dhamaadka Isbuucaan, taasoo Gunners dooneysa inay u dhaqaaqdo afarta kooxood ee ugu sareysa.

W/Q Hafsa haji