Edinson Cavani ayaa sheegtay in wararka soo baxaya oo ku aadan in isaga iyo Neymar uu ka jiro isku dhac xagooda ah in ay kaliya tahay is fahamwaa .
Dhawaan ka dib markii lacag rikoor adduunka ah uu Neymar ugu dhaqaaqay Parc des Princes, labada ciyaaryahan ayaa ku dooday rigoore qofka qaadan lahaa , islamarkaana taasoo keentay inay loo fasirto isku dhac xagooda ah.
Si kastaba ha ahaatee, Cavani ayaa ku adkeysanaya in isaga iyo ninka reer Brazil uu ka dhaxeeyo “xiriir weyn” oo uu diirada saarayo sidii uu kooxda ugu soo laaban laheyd horyaalka Ligue 1.
30 jirkaan ayaa u sheegay The Telegraph: “Waxaan leenahay xiriir weyn, waxaan nahay kuwa leh xirfad aad uwanaagsan, ujeedkeena waa wada shaqeyn kooxda ah.
“Qof walba runtii wuu faraxsanaa markii uu Neymar saxiixay, sababtoo ah waa ciyaaryahan weyn, sidaasi darteed waxa ay aheyd wax fiican kooxda, kooxdana waxa ay aheyd mid cajiib ah.
“Dhibaatadu waxay tahay in dad badan oo aan la siinin macluumaadka saxda ah, waxaana jira ismaandhaaf badan.”
Cavani iyo Neymar ayaa 30 gool udhaliyay xilli ciyaareedkan horyaalka Ligue 1.