Daawo: Ceel Riigga deegaanka Gidheys oo la dhameystiray.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kadib booqasho uu bartamihii 2015 uu ku tagay deegaanka Gidheys wasiirkii hore arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa, ayey dadka deegaanku ka codsadeen in uu u qodo ceel riig. waxaana dadaal badan kadib wasiirku u helay ceelkii, kaas oo la bilaabay 04 July 2017. maanta oo ay tahay 10 October ayaa la dhameystiray ceelkii. waxaana dadka deegaanku uga mahad celiyeen xildhibaan Odawaa ceelka uu u qoday. waa ceelkii labaad oo xildhibaanku ka qoday deegaanada laga soo doorto. isagoo balanqaaday inuu dhawaanna uu qodi doono ceelal kale hadii alle idmo.