Paris Saint-Germain Oo Iibineysa Angel Di Maria

Ciyaaraha

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay si firfircoon uga shaqeyneyso heshiis ay kula soo wareegeyso Angel Di Maria kooxda horyaalka China  ka ciyaarta bisha January.

29 jirkaan garabka ka ciyaara ayaa helay fursado xaddidan ka dib markii xagaaga lacag badan ugu imaadeen Neymar iyo Kylian Mbappe, sida uu sheegay TMW, qeyb kaa  aheyn qorshaha mustaqbalka fog ee macalin Unai Emery.

Wargeyska ayaa sheegaya in PSG ay fiirineyso fursadaha kala duwan ee xiddiga reer Argentine, kaasoo lala xiriiriyay Barcelona xagaagii dhawaa, lakiin haatan ayay u badan tahay inuu u dhaqaaqo China marka suuqa kala iibsiga dib u furmo bisha Janaayo.

PSG ayaa cadaadis ku saareysa inay ciyaartoygan iska iibiso si ay u hoggaansamaan sharciyada dhaqaale ee “Fair Play” ka dib markii heshiisyada Neymar iyo Mbappe ay ku kaceen lacag dhan £ 360m, sidoo kale waxa ay doonayaan inay iibsadaan Lucas Moura iyo Julian Draxler.

Di Maria ayaa PSG ku soo biiray sannadkii 2015 ka dib xilli ciyaareed aan fiicneen Manchester United, tan iyo markaa wuxuu ku guuleystay hal horyaal Ligue 1 iyo afar koob oo gudaha ah.

W/Q Hafsa haji