Shirkii Garoowe oo fashil kusoo dhamaaday

Wararka Maanta

Waxaa fashil kusoo idlaaday shirkii Madaxda Dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada ugu socday magaalada Garoowe caasimadda maamulka Puntland.

Shirkan oo bilowday Axaddii hore 5/5/2019 ayaa la isku mari waayey qodobadii ugu muhiimsanaa, sida Sharciga Shidaalka, Deeqaha caalamka, doorashooyinka, iyo dhismaha Madasha Hoggaamiyayaasha.

Sidoo kale shirka waxaa hareeyey arimaha Galmudug iyo Jubbaland, Xaaf iyo Madoobe ayaa dhowr jeer shirka ka baxay, taas oo kordhisay waqtiga shirka. Madaxda Federaalka ayaa ku dadaalayey in qodobo kasoo baxaan shirkaan.

Saaka aroor hore ayaa Axmed Madoobe u ambabaxay Kismaayo, waxaana la filayaa inuu Kismaayo kula hadlo warbaahinta. Axmed Madoobe ayaa dowladda Dhexe ku eedeeyey in ay faragelin ku hayso maamulka Jubbaland.

Dhanka kale Axmed Ducaale Xaaf ayaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha Garoowe, isagoo kusii jeeda magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya.

War saxaafadeed uu soo saaray Xaaf ayaa u qornaa sidan:

Sidoo kale Madaxda Federaalka ayaa la filayaa in ay maanta ka tagaan Garoowe, shirkan oo rajo weyn laga qabay ayaa sii kala fogeeyey madaxdii halkaas ku jiran.

Natiijo la’aanta shirkan ayaa saameynta ugu badan waxa ay ku yeelan doontaa Dowladda Dhexe, Galmudug iyo Jubbaland. Waxaana la filan karaa in dowladdu todobaadyada soo socda weerar siyaasadeed ku qaado Axmed Madoobe iyo Xaaf.

Kala soco wixii soo kordha ceelhuur.com