Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Wararka Maanta

Qarax ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari, Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maxkamada darajada koowaad ee gobolka bari.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof. dadka dhaawacmay waxaa ku jira taliyihii ilaalada maxkamadda, ciidamo iyo dad shacab oo ay ku jiraan kuwo ku ganacsanayay iridda hore ee Maxkamada.

Qaraxa ayaa baabi’iyay gaarigii guddoomiyaha Maxkamada Boosaaso Abuukar Cabdinuur. Guddoomiyaha maxkamada ayaa la sheegay inuusan saarnayn baabuurka oo uu safar ku jooga magaalada Garoowe.

Kooxaha Daacish iyo Alshabaab ayaa inta badan qaraxyo ka geysta magaalada Boosaaso, kooxahan ayaa saldhigyo kuleh dhulka buuraha gobolka Bari.