Magacaabista 18 kursi aqalka sare oo dib loo dhigay

Wararka Maanta

Warmurtiyeed xalay kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madasha Hoggaanka Qaran ay dib u dhigeen xulashada 18 kursi ee lagu kordhiyey aqalka sare ilaa inta ay ka dhamaaneyso dhismaha dowlada cusub.

Dastuurka kumeelgaarka ee dalka ayaa dhigaya in tirada xubnaha aqalka sare yihiin 54 xildhibaan, waxaana 18 xubnood ee madashu ku dartay lagu tilmaamay sharci darro aan dastuurka dalka waafaqsaneyn.

fb_img_1482985788603