Galmudug oo hakisay dhismaha Golayaasha Deegaanka (Video)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka warfaafinta Galmudug Ahmed Shire Falagle oo shir jaraa’id ku qabtay Cadaado ayaa sheegay in Dowladda Galmudug ay hakisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Dhuusamareeb, Balanballe, Cadaado, Caabudwaaq iyo Hobyo.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xilli maanta la dhaariyey qaar ka mid xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Balanballe, inkasta oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Ceyr ay diidmo ka muujiyey saamiga laga siiyey Golaha deegaanka degmada Balanballe.