Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo hormarin lahaa doorashada Madaxweynaha, kaddb markii uu dib u dhac ku yimid doorashadii Guddoonka Baarlamaanka.
Shariif Xasan oo ku hanweyn in mar un uu Madaxweyne noqdo ayaa juhdi ku bixinaya sidii uu ugu guuleysan lahaa damaciisa ku aadan sidii loo soo hormarin lahaa doorashada Madaxweynaha ee ku qorsheysan inay dhacdo 30-ka bishan.
Waxaa uu horay ugu guuldareystay soo jeedin uu sameeyay intii lagu guda jiray shirarkii Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee ka dhacay Muqdisho bilo ka hor, kaasoo ahaa in la soo hormariyo doorashada Madaxweynaha.
Inta badan Madaxda Madasha ayaa ku gacan seyray damaca Shariif Xasan ee ahaa in doorashada Madaxweynaha la soo hormariyo, si ay ugu suurta gasho inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay ceelhuur.com in Shariif Xasan ka dhaadhicinayo xubno ka tirsan Beesha Caalamka sidii doorashada Madaxweynaha u dhici laheyd waqtigiii loo qorsheeyay, si aanay mar kale dib u dhac ugu imaan.
Kulan uu Sabtidii la soo dhaafay uu Baydhabo kula qaatay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayuu horudhac ahaan ugu wargeliyay in la soo hormariyo doorashada Madaxweynaha, hadii uu dib u dhaco waqtigii lagu balamay in doorasada Guddoonka Baarlamaanka oo ku beegneyd shalay oo taariikhda aheyd 23 November.
Sidoo kale waxaa qorshahan qeyb ka ah in marka la soo dhameystiro Xildhibaanada Aqalka Hoose la doorto ninka ugu weyn, si uu u shir-guddoomiyo kulanka Baarlamaanka, loona qabto doorashada Madaxweynaha.
Shariif Xasan ayaa ka cabsi qaba in hadii nin ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle loo doorto Guddoomiye Baarlamaanka ay meesha ka saari karto isku daygiisa Musharaxnimada Madaxweynaha, sidaasna uu is reeb reebka uga harayo.
Mr Shariif Xasan ayaa sanadkii 2012 isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha, balse hamigiisa waxaa meesha ka saaray Jawaari oo loo doortay Guddoomiye Baarlamaank, waxaana uu haatan doonayaa inuu ka ilaaliyo xilka Guddoomiye Baarlamaan siyaasi ka soo jeeda beeshiisa.
Lama oga sida uu ku hirgeli karo qorshaha Shariif Xasan uu wato ee ku saabsan in doorashada Madaxweynaha la soo hormariyo, ama waqtigeeda ku dhacdo, iyadoo horay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran isku raaceen in ugu horeyn la qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Guddiga doorashooyinka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo bandhigaan jadwal cusub oo ku saabsan doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, maadaama waqtigii horay loo qabtay aanay ku dhici karin, dib u dhacyo jira awgeed, waxaana laga yaabaa in bartamaha bisha December la qabto.
Comments are closed.