Dhalinyaro Somaliyed oo ku xirnaa Libiya oo Muqdisho la keenaayo

Wararka Maanta

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo 13 dhalinyaro Somaliyed oo laga soo daayay xabsiyada dalka Libya.

Dhalinyaradaan ayaa sii dayntooda waxaa fududeysay dowladda Federalka Somaliya, kadib markii kiiska dhalinyaradan ay u xil saartay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Somaliya.

Ambassador Cali Siciid Fiqi, ayaa ku guuleystay 13 kaan dhalinyarada ah in laga soo saaro xabsiyada Tajura iyo Sika ee dalka Libya.

Xalay ayeey ku hooydeen dhalinyaradan Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadibna saaka ayaa lagu wadaa inay ka soo degaan Garoonka Aadan Cadde.

Waa qaybtii labaad ee dhalinyaro Somali ah oo dowladda ay ka soo qaado dalka Libya, kuwaasi oo lagu soo celinaayo dalkooda Hooyo.

Dowladda Somaliya ayaa ku dadaalaysa sidii xabsiyada caalamka looga sii dayn lahaa dhalinyarada Somaliyed ee dalalka caalamka ku xiran.