Doorashada Cadaado oo maalintii labaad hakad ku jirta (Ogow sababta)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaan maalintii labaad hakad ku jira doorashadii ka socotay magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug, lama oga sababta rasmiga ah, balse warar aan haleyno waxa ay sheegayaan khilaafaad ka dhex jira beelaha ay caqabad ku yihiin horusocodka doorashada.

Beelaha Mareexaan, Sacad iyo Saleebaan ayaa buuq badani ka jiraa ergooyinka, iyadoo khilaafkaas salka ku haya musharaxiinta oo kala jiidanaya duubabka dhaqanka, waxaana 15 kursi ee haray la filayaa in doorashadoodu dib u bilaabato maalinta Sabtiga.

Dhanka kale waxaa maanta la filayaa in ay Cadaado soo gaaraan xubno ka socda guddiga doorashada dadban heer Federaal, doorashada ka socota Cadaado ayaa waxaa ka jira musuq baahsan, taas gudiga doorashada iyo madaxda Galmudug si cad ula safan yihiin musharaxiinta qaar.

Maalinimadii Talaadada ayaa waxaa Cadaado lagu qabtay doorashada kursigii ugu xamaasadda badnaa, waana kursiga beesha Sacad/Odow, waxaana ku tartamay saddex musharax oo uu ku jiro xildhibaankii horey kursiga ugu fadhiyey Maxamed Aadan Qalabxoor oo ku haray wareegii koowaad ee doorashada, waxaana wareegii labaad 35 cod ku guuleystay Cabdikariin Khaliif Cabdidhalac, wuxuuna ka mid ahaa kuraastii ugu lacagta badnaa.

Magaalada Cadaado ayaa hadda laga dareemayaa in ay yaraatay saxmadii dadka oo inta badan markay codeyeen kadib dib ugu laabteen meelihii ay horey ugu yimaadeen.

Comments are closed.