Shacabka Puntland & Galmudug oo u garsoor doonta Maxkamadaha Shabaab

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa sheegtay dadka ku nool degaanada Maamulka Puntland iyo Galmudug inay u soo garsoor doontaan Maxkamaddaha Shabaab ee ku yaalla degaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolka Mudug Sheekh Abuu Cadnaan wuxuuna tilmaamay dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland iyo Galmudug inay Garsoorka ugu tagaan Shabaab.

Wuxuu sheegay Maxkamadaha Al-Shabaab ee Gobolka Mudug inay si wanaagsan u qaadaan kiisaska dacwooyinka ee la xiriira dhulalka iyo arrimaha kale ee la isku haysto.

Sheekh Abuu Cadnaan ayaa tilmaamay in tani ay muujinayso Bulshada Galmudug iyo Puntland inaysan ku qanacsaneyn hanaanka Garsoor ee Maamulada Puntland iyo Galmudug, marka loo eego xukunada ay qaadaan maxkamadaha Maamuladaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan Maxkamadahooda xukunada ay ridaan dadka badanaa aysan ka daba hadlin, sababo ku aadan inay ka cabsi qabaan in hanjabaado kale loo gaysto. Alshabaab ayaa hal degmo ka maamula gobolka Mudug, waana degmada Xarardheere, waxaana inta badan uga yeeraan dadka ay dacwo ka taalo ama ay dhaqaale ka doonayaan.