Jawaari oo maanta khudbad u jeedinaya Golaha Shacabka

Wararka Maanta

Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka si uu ugu jeediyo khudbada uu kaga hadlayo is casilaadiisa.

Jawaari ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kadib cadaadis Mooshin ku lifaaqnaa oo uga yimid xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka, kaasi oo soo bilowday 14-kii bishii ina dhaaftay ee March.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warbaahinta ka soo muuqday Talaadadii, xilligaasi oo uu sheegay inuu Arbacada jeedin doono khudbadiisa uu kaga hadlayo is casilaadiisa, balse wuu baaqday kulankaasi, maanta ayaana loo balamay.

Sababta kulanka uu u baaqday ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa ay aheyd isqab qabsi la xiriiray inaan Gudoomiye Muudey laga tala gelin hadal jeedinta Jawaari, sidaasina Muudey uu uga soo horjeestay kulanka, balse markii dambe la xaliyay mad madowgii jiray.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xalay xildhibaanada ku wargeliyay inuu jiro maanta kulanka Baarlamaanka, ajandihiisana uu yahay hadal jeedinta Guddoomiye Jawaari.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sida caadada aheyd aad u adkeeyay ammaanka wadooyinka ku xeendaaban xarunta Golaha Shacabka, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu kulanka uu socdo.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxtooyada iyo Xukuumadda ay walaac ka qabaan hadal jeedinta Guddoomiye iyo qodobada uu kaga hadli doono, maadaama horey Xukuumadda loogu eedeeyay in ay hoggaanka u heysay Mooshinka Jawaari.