Daawo: Madaxda Galmudug oo Booqday isbitaalka Guud Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, wasiiro iyo xildhibaano ayaa booqasho ku tagay isbitaalka guud Cadaado, oo ah isbitaalka ugu baaxadda weyn deegaanada Galmudug.

Masuuliyiintaan ayaa kormeeray qeybaha isbitaalka. Isbitaalkan ayaa waxaa taakuleeya Hay’adda SAVE THE CHILDREN, Qurbojoogta deegaaanka iyo Bulshada Cadaado, waxaana maamul ahaan hoos tagaa wasaaradda caafimaadka Galmudug. Daweynta ayaa ah lacag la’aan.